Hiiraan Online
3/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Mar 20, 2021
Saldhiga garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo la hoos geeyay taliska qeybta gobolka Banaadir
Sabti, Maarso, 20, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Jenaraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa wareegto kasoo baxday xafiiskiisa waxaa taliska qeybta gobolka Banaadir lagu hoos geeyay Saldhiga garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.
Saldhiga garoonka Aadan Cadde ayaa markii hore wuxuu ahaa mid madax banaan, balse talaabadan lagu hoos geeyay Taliska guud ee qeybta gobolka Banaadir ayaa ka dhigeysa in awooda magacaabista iyo xilka qaadista uu leeyahay Taliska gobolka Banaadir .
lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arintan Saldhiga garoonka Muqdisho loogu hoos geyay taliska gobolka Banaadir waxaaysa kusoo beegmeysa xili mudooyinkii dambe dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed aay ka jireen garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxii ka dambeyay markii aay Xerada Xalane oo xeendaab la leh garoonka Aadan Cadde aay dageen madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland.
Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa shirar kula yeelanayeen masuuliyiin kala duwan oo ka mid ah midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]
Jigjiga: Wasiirka Caafimaadka oo sheegay in Covid 19 uu ku soo laba kacleeyay Deegaanka
3/20/2021 3:08 PM EST
Sabti, Maarso, 20, 2021 (HOL) - Sida uu shaaciyay Wasiirka Xafiiska Caafimaadka ee degaanka Dr Yusuf Maxamed waxaa soo laba kacleeyay Cudurka Covid 19, isla markaana ay korodhay dadka laga helayo cudurkan Covid 19.
Sheekh Cabdiraxmaan Al-sudeysi oo ka hadlay talaalka COVID-19 ee maalmaha bisha Ramadaan
3/20/2021 3:06 PM EST
Sabti, Maarso, 20, 2021 (HOL) - Sheekh Cabdiraxmaan Bin C/casiis Bin C/llaahi Al-sudeysi ayaa shaaca ka qaaday in talaalka COVID 19 maalmaha bisha barakeysan ee Ramadaan la isku duri karo Soonkana uusan ka jabeynin qofka hadii uu qaato talaalka isagoo Sooman.
Dowladda federalka Soomaaliya oo kordhisay xayiraada saaran goobaha waxbarashada iyo iskusoo baxyada
3/20/2021 11:39 AM EST
Sabti, Maarso, 20, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa labo asbuuc oo hor leh ku dartay xayiraada xakamaynta cudurka Covid-19 ee saaran xarumaha dowladda, xarumaha waxbarashada iyo iskusoo baxyada.
Somaliland: Tirada dadka uu haleelayo caabuqa Covid-19 oo sii kordhaysa
3/20/2021 11:30 AM EST
Sabti, Maarso, 20, 2021 (HOL)-Somaliland waxa sarre u kac ku yimid tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka Covid-19, sidoo kalena tirada dhimashada ayaa kor u kacday.
Dowladda Soomaaliya oo shaaciyay in shirka wadatashiga uu ka dhicidoono xerada Xalane
3/20/2021 11:19 AM EST
Sabti, Maarso, 20, 2021 (HOL) - Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Abukar Dubbe ayaa sheegay in shirka madaxweyne Farmaajo uu ku baaqay uu ka dhicidoono xerada Afisyoone ee ciidamada cirka.
Danjire Abuukar Baalle: Kenya waxba kama bedeli karto dhegaysiga dacwaddii badda ee lasoo gabagabeeyay
3/20/2021 11:10 AM EST
Sabti, Maarso, 20, 2021 (HOL) - Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cusmaan Baalle, ayaa sheegay golaha ammaanka in aanay wax shaqo ah ku lahayn go’aanada ay gaarto maxkamada caddaalada adduunka ee ICJ, oo soo gabagabaysay dacwadda badda.
Wasiir Dubbe '' Ma rabo in aan madaxweynayaasheenii hore ku dhax aragno Isbaheysiyo doorasho diid ah
3/20/2021 10:57 AM EST
Sabti, Maarso, 20, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa meesha ka saaray doodda hay'adda dowladdu waqtigoodu dhamaaday, islamarkaana sharci darro tahay in ay sii shaqeeyaan.
Dowladda Soomaaliya oo maanta markale ciidamo farabadan geeysay gobolka Gedo
3/20/2021 10:44 AM EST
Sabti, Maarso, 20, 2021 (HOL) - Waxaa maalintii labaad aay dowlada Soomaaliya geysay gobolka Gedo gaar ahaan degmada Doolow ciidamo farabadan oo aad u hubeysan.
Puntland oo maanta shaacisay xilliga ay bilaabayso tallaalka Covid-19
3/20/2021 6:30 AM EST
Sabti, Maarso, 20, 2021 (HOL) - Wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in ay tallaalka Covid-19 billaabandoonaan 27 march, inta ka horraysana ay sameyn doonaan diiwaan galinta dadka qaadanaya.
Jubbaland oo war adag kasoo saartay ciidanka cusub ee la geeyay gobolka Gedo
3/20/2021 3:44 AM EST
Sabti, Maarso, 20, 2021 (HOL) - Maamul goboleedka Jubbaland ayaa war kasoo saartay ciidan dowlada Soomaaliya aay shalay geysay degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Madaxweyne Farmaajo oo mar kale shir isugu yeeray madaxweynayasha dowad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir
3/20/2021 2:05 AM EST
Sabti, Maarso, 20, 2021 (HOL) -Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo mar kale shir isugu yeeray madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir.
Somali News
UN agency says it may have to cut food rations to Somalia
-
VOA
3/20/2021 4:01 PM EST
GENEVA - The World Food Program is warning it may be forced to cut food rations in June for more than a million vulnerable Somalis because it does not have enough money to maintain the operation.
Somali currency printed by German firm for $49m still in Sudan, Ex-Somalia Central Bank Governor claims
-
HOL
3/20/2021 8:51 AM EST
MOGADISHU (HOL) - Huge amounts of Somali shilling notes lie idle in a warehouse in Sudan after they were printed by a German firm, former governor of Somalia Centra Bank Abdusalam Omer has said raising questions on what could be one of the country’s kept secrets.
Jubbaland decries ‘deployment’ of more forces in Gedo amid biting drought
-
HOL
3/20/2021 6:11 AM EST
MOGADISHU (HOL) -Jubbaland government has accused the Federal Government of deploying troops and heavy weaponry in the Gedo region amid an ongoing drought that has since claimed lives and plunged thousands into starvation.
13 Indicted for multi-million dollar medicaid fraud in Minnesota
-
KIMT3 News
3/20/2021 6:01 AM EST
ST. PAUL, Minn. – 13 Minnesotans have been accused of a multi-million dollar Medicaid fraud conspiracy. They were indicted Thursday in U.S. District Court. The 13 were involved with Live Better, a patient services....
Fardowsa Hassan: Jack Kent Cooke Semifinalist
-
Georgia State University
3/20/2021 4:02 AM EST
For most of her life Fardowsa Hassan didn’t think college was an option. As one of eight children growing up in war-torn Somalia, she had never operated a computer.
Ethiopian leader warns fugitive Tigray leaders to surrender
-
AP
3/20/2021 1:10 AM EST
HAMDAYET, Sudan (AP) — Ethiopia’s prime minister issued a “final notice” Friday to the fugitive leaders of the country’s embattled Tigray region, saying they should surrender peacefully to avoid “severe punishment” and prevent the “misery of their people.”
Telecom company Somtel offers its shares to the public
-
The Star
3/20/2021 1:00 AM EST
The company has set the issue price of the shares at its IPO at $100 per share
Eastleigh road renamed ‘Mohammed Yusuf Haji Avenue’
-
The Star
3/20/2021 12:45 AM EST
Barely a month after his demise, the late Garissa Senator Yusuf Haji has finally been honoured.
Kenya feels betrayed by Somalia over maritime dispute
-
AA
3/20/2021 12:35 AM EST
Maritime delimitation case between East African countries has already started at ICJ without Kenya’s participation