4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 19, 2021
Samia Hassan oo loo dhaarriyay xilka madaxweynaha Tanzania kaddib geeridii John Magufuli

 

Jimco, Maarso, 19, 2021 (HOL)  - Samia Suluhu Hassan  oo horey u aheyd madaxweyne ku-xigeenka dalka Tanzania ayaa hadda si rasmi ah loogu dhaariyay xilka madaxweynaha kaddib markii uu geeriyooday madaxweynihii dalkaasi John Magufuli

Waxaa dhaariyay Ibraahim Juma oo ah xaakimka guud  dalkaasi  waxaana la sheegaa in ay aheyd qof siweyn ugu dhaw dhaw madaxweynihii geeriyooday

Waxaa ay ka soo jeedaa Samia Saldanadda Zanzibar, waxaana ay dhalatay 27-kii Janaayo 1960-kii, 

Waxbarashadeeda Dugsiga sare waxaa ay dhammeysay sanadkii 1977 sida ku qoran diiwaanka sooyaalkeeda.

Waxaa ay la soo shaqeysay hay'addo heer caalami ah oo ay ka mid tahay hay'adda Cunnada adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WFP, Jaamacadda Manchester ee Dalka UK ayeey ka qaadatay Diploma Dhaqaalaha ah sanadkii 1994-tii.

Markii xilka loo dhaariyay kaddib ayeey tiri ''“Aniga, Samia Suluhu Hassan, waxaan ballanqaadayaa inaan daacad noqdo oo aan adeeco oo aan ilaaliyo dastuurka Tansaaniya” ayey tiri Saamiya Xasan kadib dhaarinteeda.

Geerida John Magufuli aaya waxaa ka tacsiyeeyay  geerida Madaxweynaha dalka Tanzaaniya, waxa ayna dowlada iyo shacabka Tanzaaniya usoo direen fariin tacsi iyo tiiraanyo ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]