4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 18, 2021
Qof Dumar ah oo madaxweyne ka noqoneysa dalka Tanzania

 

Khamiis, Maarso, 18, 2021 (HOL) - Kaddib geeridii madaxweynaha dalka Tanzania John Magufuli, waxaa loo dhaarinayaa in ay madaxweyne ka noqto dalkaasi Samia Suluhu Hassan oo horay u aheyd madaxweyne ku-xigeenka dalka.

Sida ku cad dastuurka dalka Tanzania, Samia Suluhu Hassan ayaa loo dhaarin doonaa madaxweynaha dalkaasi,  iyadoo awooda dalka ka sii anbaqaadi doonto muddo xileedka u dhiamn madaxweynaha geeriyooday

'Geerida John Magufuli aaya waxaa ka tacsiyeeyay geeridiisa Madaxweynaha cusub ee dalka Tanzaaniya, waxa ayna dowlada iyo shacabka Tanzaaniya usoo dirtay fariin tacsi iyo tiiraanyo leh'.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]