4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 17, 2021
Puntland oo ganaax lacageed ku riday Doonyo si sharci darro ah looga kalluumaysanayay xeebaheeda
 

Arbaco, Maarso, 17, 2021 (HOL) - Maxkamadda gobolka Bari ayaa maanta xukun ku riday Doonyo ay wateen kalluumaysato ajaanib ah oo dhawaan lasoo qabtay iyagoo kalluumaysi sharci darro ah ka waday xeebaha ku yaalla degaanada Puntland.

Maxkamadda ayaa ku heshay dambi ah in ay kalluumaysi sharci darro ah ka wadeen xeebaha, iyagoo aan haysan oggolaansho uu maamulku bixiyay.

Guddoomiyaha maxkamadda, Abuukaate Abuukar Cabdinoor ayaa ganaax lacageed oo dhan 7 kun dollar ku riday midkiiba afar doomood oo Yemen laga lahaa.

Wuxuu sidoo kale, 4 kun oo dollar ku riday labo doonyood oo Soomaaliya laga leeyahay.

Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa sidoo kale amray in dowladdu la wareegto kalluunka Doomaha saaran, isagoo tilmaamay in ay yihiin hanti dowladdeed.

Xeebaha Puntland waxaa dhibaato ba'an ku haya Kallumaysato u dhashay Yemen, Iran iyo kuwa kale, kuwaas oo gurta kheyraadka badda ku jira.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]