4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 17, 2021
Somaliland: Dowlada oo beeralayda ka iibsanaysa raashinka ay soo saaraan
 

Arbaco, Maarso, 17, 2021 (HOL) - Wasiirka beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in dowladu ay beeralayda ka iibsanayso raashinka ay beeraan.

Wasiirka ayaa sheegay in hada la fulinayo balan qaadkii madaxweyne Biixi, ee ahaa in dowladu ka iibsan doonto beeralayda dalaga ay soo saaraan.

“Madaxweynaha Somaliland waxa uu balan qaaday in dadka beeralayda ah laga iibsan doono raashinka, iib kiisuna wuu bilaabmi laha lakinse wasiirkii maaliyada ayaa maqan” ayuu yidhi wasiirku.

“waxanu bilaabi doona iibka raashinka gugii hore soo baxay, ee ay dadka beeralayda ahi soo saareen, lacagtaasna waala bixiyay oo way taala” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirku.

Wasiirka ayaa sheegay in sababta ay dowladu u iibsanayso raashinka ay beeralaydu soo saaraan, ay tahay in la dhiiri galiyo wax soo saarka gudaha.

Dhinacakale 280 kiish oo raashin ah, oo kasoo baxay mashruuca ay dowladu maamusho ee Banka Wajaale ayay wasaarada beeruhu ku wareejisay xafiiska kaydinta raashinka ee Somaliland.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]