4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 17, 2021
Wasaarradda Caafimaadka DF Soomaaliya oo beenisay warqad been abuur ah oo magaceeda loo isticmaalay

 

Arbaco, Maarso, 17, 2021 (HOL) - Wasaarradda Caafimaadka Dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay warqad loo diray shirkad Shiinees ah iyadoo la adeegsanayo magaca Wasiirka Wasaarradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya marwo Fowsiyo Abiikar  Nuur.

Warqadan oo loo diray shirkad lagu magacaabo China National Pharmaceutical Group ayaa lagu dalbaday tallaalka Covid 19, iyadoo lagu saxiixay magaca Wasiirka Wasaarradda caafimaadka Soomaaliya.

“Wasaarada Caafimaadka Iyo Daryeelka Bulshadda  waxaa ay cadeyneysaa in warqadaasi tahay been abuur aan waxba ka jirin, iyadoo lagu daba jiro cid kasta oo warqadaasi adeegsatay talaabana laga qaadi doono'' ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Wasaarradda.

Warqadan ayaa ku taariikheysan marka la eego dhamaadkii sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2020ka.

Dadka warqadan isticmaalay ama adeegsaday ayaa sheegay in wasaaradda caafimaadka ay ogolaansho ay arrintaas ugula shaqeyso siisay shirkad lagu magacaabo SAHABA Pharmaceutical Group, midaasi oo ay xarunteedu tahay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]