4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 17, 2021
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo sheegay in la kala qeybinaayo ciidanka xooga dalka
 

Arbaco, Maarso, 17, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu si adag uga digay in lakala qeybiyo ciidamada xooga dalka oo uu sheegay in loo kala qeybinaayo kuwa daacad u ah Madaxweyne Farmaajo iyo kuwa laga shakisan yahay.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale sheegay in xog uu ku helay kala qeybinta ciidamada xooga dalka, waxuuna arintaasi si gaar ah ugu eedeyay Taliyaha ciidanka Xooga Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Lugta Jenaraal Biixi.

"Ciidanka lagu tuhunsan yahay in aysan daacadda aheyn ayaa loo dirayaa furamaha dagaalka ee kooxaha argagexisada, halka kuwa la hubiyey daacadnimadooda loo diyaarinayo boobka doorashooyinka iyo weerarro lagu qaado siyaasiyiinta mucaaradka" ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku daray "waxaan uga digeynaa taliyaha ciidanka xooga dalka inuusan sabab u noqon buburka ciidanka farahana kala baxo ku milanka Siyaasadda iyo dambiyada la doonayo in dusha laga saaro".

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]