4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 17, 2021
Soomaaliya iyo Itoobiya oo kamid noqday dalalka UK ay kusoo rogtay xayiraada socdaal ee dalkeeda
 

Arbaco, Maarso, 17, 2021 (HOL) - Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa noqday waddamadii ugu dambeeyay ee Afrika ee lagu daro liiska dalalka wajahaya xayiraadda UK ee socdaalka ee la xiriirta.

UK waxay sheegtay in ujeedada mamnuucistu ay tahay “yareynta halista noocyo cusub” oo ah coronavirus-ka cusub ee soo galaya dalkeeda.

"Muwaadiniinta Ingiriiska iyo Irish kaliya, ama kuwa leh xuquuqda deganaanshaha ayaa loo oggolaan doonaa inay galaan waana inay ku sii nagaadaan xarunta karantiilka muddo toban maalmood ah," ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Waaxda Gaadiidka ee Boqortooyada Ingiriiska.

Xayiraadda ayaa dhaqan galaysa Jimcihii soo socda.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku soo biiray liiska markii UK ay ka saartay dalka Mauritius, kuna qanacday in mas'uuliyiinta Port Louis ay wax ka qabteen xakamaynta aafada Covid-19.

Liiska wadamada Afrika ee UK xayiraada kusoo rogtay ayaa kala ah,  Angola, Botswana, Burundi, Cape Verde, the Democratic Republic of Congo, Eswatini, Lesotho, Malawi, Mozambique, Namibia, Rwanda, Seychelles iyo South Africa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]