4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 16, 2021
Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo maanta daahfurtay tallaalka Covid-19


Talaado,Maarso, 16, 2021 (HOL) - Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta isbitaalka Martiini ku daah furtay tallaalka lagula tacaalayo xakamaynta cudurka Covid-19 oo si aad ah ugu sii faafaya Soomaaliya.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Drs, Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa noqotay qofkii ugu horeeyay ee qaata tallaalka Covid19, iyadoo kadibna la siiyay shaqaalaha caafimaadka ee safka hore ku jira.

Drs, Fowsiyo waxay sheegtay tallaalku inuu yahay mid sugan oo waxtarkiisa la isku halayn karo islamarkaana uu adduunku isku raacay inuu yahay tallaal sax ah oo la hubiyay tayadiisa.

“Waxaan rabnaa inaan bulshada u horseedno wax sugan. Waxaan rabnaa inaan bulshadeenna badbaadino. Waxaan ummadda u sheegaynaa in ay is dajiyaan oo ogaadaan in aan wax aan la hubin u horseedayn,” ayay tiri Drs. Fowsiyo Abikar Nuur.

Wasiirka caafimaadka ayaa sheegtay in aysan wax dhibaato ah dareemin marka ay qaadatay tallaalka Covid-19, iyadoo dadka ugu baaqday in la iska saaro walwalka iyo cabsida laga qabo.

Tallaalka Covid-19 oo shalay soo gaaray Soomaaliya, ayaa sidoo kale maanta la geeyay Puntland iyo Somaliland, iyagoo maalinta berrito ah si rasmi ah u daahfuridoona.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]