4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 16, 2021
Puntland oo maanta la gaarsiiyay tallaalka Covid-19

Talaado,Maarso, 16, 2021 (HOL) - Shixnad ka kooban 40,000 oo tallaalka COVID19 ah ayaa maanta markii ugu horaysay gaartay dowlad goboleedka Puntland, waxaana la wareegay wasaaradda caafimaadka maamulkaas.

Puntland ayaa noqotay maamulkii ugu horreeyay ee tallaalka la gaarsiiyay kadib markii shalay dowladda federalka ay la wareegtay qeybtii ugu horraysay tallaalka Covid-19 oo ahaa 300,000 Doze.

Wasiirka caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in ay Puntland si degdeg ah ku billaabi doonta bixinta tallaalka oo la siinayo shaqaalaha dowladda ee safka hore ku jira iyo dadka nugul.

Puntland ayaa kamid ah meelaha uu aadka ugu faafayo cudurka Covid-19, waxaana aad u hooseeya heerka wacyi galinta bulshada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]