4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 16, 2021
Madaxeynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug oo Muqdisho soo gaaray

 

Talaado,Maarso, 16, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor  oo toddobaadyadii ugu danbeeyay safar shaqo ugu maqnaa dalka Turkiga, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Imaashaha madaxweynaha Galmudug ayaa xili uu maalmo dib u dhacay shir ay bulshada caalamka garwadeen ka tahay oo la filayo in uu dhaxmaro madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Hasse ahaatee shirkan ayaa u xayirnaa maqnaasha qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyada oo uu ka mid ahaa madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo dhaawan wareysi siiyay warbaahinta ayaa sheegay in Galmudug ka qeybgali doonto oo kaliya shir ay hoggaankiisa leedahay dowladda Soomaaliya, isaga oo intaa ku darray in dhankooda aysan ka warqabin shir ay hoggaaminayaan beesha caalamka oo ka dhacaya Xalane.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen oo hadda dalka uga maqan safar dibadda ah ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu soo gaaro magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]