4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 16, 2021
Maalintii Labaad oo la sii anbaqaadayo dhageysiga dacwadda Badda ee qarreennada Soomaaliya

 

Talaado, Maarso, 16, 2021 (HOL) - Inkastoo ay meesha ka maqan tahay Kenya, haddana maxkamada ICJ ayaa maanta oo Talaado ah sii gudagalin doonta wareegii labaad ee dhageysiga doodda ka dhanka ah muranka la xiriira xudduud baddeedka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya.

Mar kale ayaa maanta la sii dhageysan doonaa doodda qarreenada Soomaaliya oo maalintii shaleyna ka hor hadlay maxkamadda, iyadoo aysan goob joog aheyn wakiiladii dhinaca Kenya oo sheegtay in ay ka laabatay ka baxday ka qeybgalka dacwaddan.

Ra'iisal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed Khadar ayaa sheegay in ka dowlad ahaan ka xun yihiin go'aanka ay qaadatay Kenay, balse taa macnaheedu aheyn in ay wax u dhimeyso sii socoshada doodda maxkamada.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku doodday in Kenya mar walba sheegashadeeda xudduud baddeedka uusan aheyn mid xaqiiqda ku saleysan, ilaa markii danbe ay go'aansato in aysan maxkamadda hor imaan.

Marka la soo gabagabeeyo dhageysiga dacwadda kiiskan ayaa siweyn isha loogu wada hayaa go'aanka kama danbeysta ah oo maxkamadda ICJ ka gaari doonto khilaafkan soo jiitamayay mudddada 10ka sano ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]