4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 16, 2021
UK oo mamnuucday dadka ka soo safraya wadamo ay Soomaaliya ka mid tahay

 

Talaado, Maarso, 16, 2021 (HOL)  -- Dowladda Britain ayaa liiska wadamada aan dadkooda loo ogoleyn in ay u soo safraan Boqortooyada UK ku dartay dalalka Itoobiya, Oman, Soomaalia iyo Qatar sababo la xiriira faafitaanka cudurka Covid 19.

Laakiin dadka iyagu heysta Baasaboorada Ingiriiska ama Irish-ka ee ka soo jeedo wadamadan  ayaa la sheegay in xayiraada laga qafiifin doono, iyaga oo muddo 10 maalmood ah karantiil ku ahaanaya Hotel ay dowladdu ansixisay ilaa laga ogaanayo xaaladooda caafimaad.

Mamnuucidan oo dhaqan galin doonta Jimcaha galin danbe ee toddobaadkan ayeey UK ku sheegtay in ay uga gonleedahay in lagaga hortagayo faafitaanka nooca cusub ee cudurka Covid 19 ka.

Laakiin liiskan ayeey Britain ka saartay wadamada Portugal iyo Mauritius.

Baritain ayaa ka mid ah dalalka uu faraha ba'an ku hayo cudurkan saf marka ah ee Covid 19 oo hadda u muuqda in uu sameynayo labo kacleyn hor leh.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]