4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 15, 2021
Qarreennada Soomaaliya ''Kenya waxey rabtay in si tabarruc ah loo siiyo qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya

 

Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL) - Qarreennada u dooddayay dhinaca Dowladda Soomaaliya ayaa gudaha maxkamadda ICJ ka sheegay in mar walba dowladda Kenya dooneysay in si sulux ah wax lagu xaliyo, iyada oo ka warwareegeysa in cadaallada lagu kala baxo.

Qarreennada ayaa  sheegay in Kenya dooneysay in si tabarruc ah loo siiyo qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya iyaga mar walba ka soo horjeeday in xukun sharci ah lagu kala baxo.

Waxaa ay meesha ka saareen warka ku saabsan in hadda ka hor labada dowladdood ogolaashiyo ka gaareen arrinta Badda, laakiin inta ay ogyihiin uusan jirin heshiis toos ah iyo mid dadban oo marnaba Soomaaliya iyo Kenya ka gaareen xudduud Baddeedka u dhaxeeya labada Waddan.

Hadallo Kenya marar badan oo hore ka soo yeeray ayeey ku tilmaameen in ay ahaayeen kuwo is burinaya, iyaga oo mar sheegay in uu heshiis jiray, mar kalana sheegay in uu jiro khilaaf arintan ku saabsan, oo ah marka la eego erayo iska horimanaya.

Dacwadda oo goor dhaw soo dhamaatay ayaa lagu waddaa in maalinta berri ah leysugu soo laabto,, iyadoo dhinaca Soomaaliya ay sheegeen in doodda Kenya marnaba wax rajo ah laheyn.

Doodda maanta waxaan ka maqnaa dhinaca Kenya oo iyagu ka cudurdaartay ka qeybgalka dacwadda, hasse ahaatee maxkamadda ayaa sheegtay in ay aad uga xun tahay tallaabada ay qaadday Kenya, balse taa badalkeeda ay hayaan qoraallo iyo dukumiintiyo ku filan dooddda Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda rajo badan ka qabta in natiijadu noqon doonto in guusha dacwadda ay dhankooda raacdo, laakiin mar walba guusha iyo guuldarradu waxaa ay ku xiran tahay go'aanka ay maxkamaddu qaadato.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]