4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 15, 2021
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo laga helay Caabuqa Covid-19
 

Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in laga helay xanuunka Covid 19.

Qoraal uu madaxweyne ku xigeenka ku baahiyay bartiisa Twitter ka ayuu ku sheegay in uu saddexdii cisho ee ugu danbaysay la tacalayay caabuqa Covid 19.

“Waxan shacbiga Somaliland la socodsiinayaa, in aan la tacalayay saddex dii maalmod ee ugu danbaysay xanuunka Covid 19” ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenku.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa sidookale bulshada Somaliland ku booriyay in ay raacaan talaabooyin wasarada caafimaadka ee ka hortaga Covid 19.

Masuuliyiinta Somaliland ee uu caabuqu haleelay waxa kale oo ka mida wasiirka maaliyada Dr. Sacad Cali Shire oo ku karantinimaysan magaalada Addisababa oo uu safar ku joogay markii uu xanuunku lasoo darsay.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]