4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 15, 2021
Wararkii ugu danbeeyay dhageysiga dacwadda Badda ee Maxkamadda ICJ

 

Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL) - Muddo dheer oo ay soo jiitameysay dacwadda Badda ee ka dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo Kenya waxey hadda u muuqata mid la soo gaaray heerkeedii gabagabada, iyadoo ugu danbeyntiina loo xukumi doono labada dal midkood.

Waxaa maanta ka bilaawday gudaha Maxkamada dhageysiga dacwadda iyadoo ay ka maqnaayeen wakiillada Kenya  oo sheegtay in ay dib uga baxday ka qeybgalka dhageysiga dacwaddan, laakiin Garsooreyaasha ayaa hadda dhageysanaya Qareennada difaacaya Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa u aragta ka bixitaanka Kenya ee dhageysiga dacwaddan mid muujineysa in xiliggan dowladda Kenya heynin wax ay ku dooddo, inkastoo Kenya dhinaceeda ay soo bandhigtay qoddobo dhowr ah oo ay u cuskaday cudurdaarkeeda ka bixitaanka ka qeybgalka doodda arintan ku saabsan.

Dhowr jeer oo hore ayaa la aqbalay codsi ka yimid dhinaca Kenya laakiin maxkamada ayaa ku gacanseyrtay codsigii ugu danbeeyay, waan tan keentay in maanta Kiiskan loo fariisto xili ay meesha ka baqan yihiin  wakiiladii Kenya.

Dadka Soomaaliyeed oo arintan siyaabo kala duwan uga hadlay ayaa sheegay in ay rajo badan ka qabaan natiijada ugu danbeysa ee go'aan ka gaarsitan muranka labada dowladdood ee salka ku haya xudduud Baddeedka lesyku hayo 

Muddo 10 sano ah ayeey arintanni aheyd boogta khilaafka wajiyada badan yeeshay ee labada dowladdood Soomaaliya iyo Kenya, ilaa dowladda Soomaaliya markii danbe ku eedeyso Kenya ay faragalin qaawan ku heyso madax-bannaanideeda.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]