Hiiraan Online
3/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Mar 15, 2021
Somaliland oo sahamin ku samaynaysa caabuqa Covid 19
Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL)- Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa samaynaysa sahamin lagu ogaanayo tirada dadka uu caabuqa Covid 19 haleelay.
Sahamintan oo ay gacan kagaysanayso hay`adda caafimaadka aduunka ee WHO, ayaa waxa lagu tirakoobi doona tirada dadka uu ku dhacay xanuun kani iyo dadka uu hada hayo.
“Waxa aynu doonaynaa bal in aynu ogaano dadkii uu xanuun kaasi ku dhacay ee ka bogsaday iyo dadka uu hada hayo” waxa sida yidhi agaasimaha guud ee wasarada caafimadka DR. Maxamed Cabdi Xergeeye.
“Waxa wadaysa khuburo wasarada caafimad ka iyo hay`ada caafimaadka aduunka iskugu jira, hogaaminta sahankan, iyo xogtiisaba waxa iskaleh wasarada caafimaadka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay agaasimuhu.
Sahamintan ayaa laga bilaabi doona dhamaan gobolada Somaliland maalinta barri ah ee 16 bishan Maarso 2021.
Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Qarreennada Soomaaliya ''Kenya waxey rabtay in si tabarruc ah loo siiyo qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya
3/15/2021 3:08 PM EST
Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL) - Qarreennada u dooddayay dhinaca Dowladda Soomaaliya ayaa gudaha maxkamadda ICJ ka sheegay in mar walba dowladda Kenya dooneysay in si sulux ah wax lagu xaliyo, iyada oo ka warwareegeysa in cadaallada lagu kala baxo.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo laga helay Caabuqa Covid-19
3/15/2021 1:14 PM EST
Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL)-madaxwyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in laga helay xanuunka Covid 19.
Wararkii ugu danbeeyay dhageysiga dacwadda Badda ee Maxkamadda ICJ
3/15/2021 11:45 AM EST
Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL) Muddo dheer oo ay soo jiitameysay dacwadda Badda ee ka dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo Kenya waxey hadda u muuqata mid la soo gaaray heerkeedii gabagabada, iyadoo ugu danbeyntiina loo xukumi doono labada dal midkood.
Somaliland: qalab cusub oo soo gaadhay dakada Berbera
3/15/2021 11:28 AM EST
Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL)- Dakada magaalada Berbera ayaa lasoo dagtay wiishash ka alaabada lagaga rogo maraakiibta ee loo yaqaano (port cranes).
Puntland oo maxkamad la tiigsanaysa haweenay tacaddi u geystay gabadh 12 jir ah oo shaqaale u ahayd
3/15/2021 7:33 AM EST
Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL) - Puntland ayaa maxkamad la tiigsanaysa haweenay la sheegay in ay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha kula kacday gabadh 12 jir ah oo uga shaqeynayay gurigeega oo ku yiilay Gaalkacyo.
Al-shabaab oo doonaya in ay askareeyaan maxaabiistii ay ka furteen xabsiga magaalada Bosaso
3/15/2021 7:04 AM EST
Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL) - Kooxda Alshabab ayaa bilowday in ay sii daayaan wareysiyo taxanne oo ay ka qaadeen maxaabiistii ay kusoo furteen weerarkii xabsiga magaalada Bosaso ee maamulka Puntland.
Ciidanka xoogga dalka ee Danab oo gubay gaari qarax lagu diyaarinayay oo ku sugnaa Tooratoorow
3/15/2021 6:31 AM EST
Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa saakay gubay gaari waxyaabaha qarxa ay kasoo buuxiyeen kooxda Alshabaab oo lagu diyaarinayay degaanka Tooratoorow ee gobolka Sh/hoose.
Tallaalka Covid-19 oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho
3/15/2021 6:03 AM EST
Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL) - Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray tallaalka Covid-19 oo tiradiisu yahay 300,000, looguna talagalay shaqaalaha caafimaadka ee safka hore ku jira iyo dadka kuwa ugu nugul ay xaaladdooda caafimaad liidato sida ay ku taliyeen guddiga qaran ee kahortagga COVID-19.
Diyaarad sida Tallaalka COVID-19 oo goordhaw kasoo degtay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho
3/15/2021 4:08 AM EST
Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw kasoo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho diyaarad sida tallaalka loogu talo galay in loo qaato Cudurka halista badan ee COVID-19 oo bilahii lasoo dhaafay si aad ah ugu soo laba kacleeyay gudaha dalka Soomaaliya.
Hoggaamiyaha Kacdoonka Hiiraan oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yasiin
3/15/2021 4:02 AM EST
Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa weerar kulul oo dhanka afka ah ku qaaday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Taliyaha Nabadsugida Soomaliya Fahad Yaasiin.
Galmudug '' Kama warqabno shir ka dhacaya xarunta Xalane
3/15/2021 3:41 AM EST
Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Dowlad Gobolleedka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in aysan ka warqabin dhinacooda shir ka dhacaya xarunta Xalane oo ay garwadaan ka yihiin beesha caalamka.
Taiwan oo soo dhawaysay wakiilka uu Imaraatka carabta u soo magacaabay Somaliland
3/15/2021 2:22 AM EST
Isniin, Febraayo, 15, 2021 (HOL)- Safiirka Taiwan ufadhiya Somaliland Allen C. Lou ayaa u sacaba tumay wakiilka Imaraat ku usoo magacabay Somaliland.
Dagaal culus oo xalay ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo
3/15/2021 1:12 AM EST
Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL) -Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xoogagga Ururka Al-shabaab xalay weerar culus ku qaadeen degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Maxkamadda ICJ oo maanta gudagalidoonta dhageysiga dacwadda Badda
3/15/2021 1:07 AM EST
Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL) - Inkastoo dowladda Kenya ay sheegtay in aysan ka qeybgali doonin dhageysiga dacwadda kiiska Badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, haddana maxkamada ICJ oo dacwaddani hortaalo ayaa ku adkeysaneysa in ay gudagali doonto dhageysiga doodda arrintan ku saabsan.
Somali News
US confident of a much weaker al-Shabaab
-
The East African
3/15/2021 10:07 AM EST
After withdrawing its troops from Somalia, the United States said al-Shabaab’s capability to carry out full-scale attacks in Kenya have been significantly degraded.
SNA says it killed 15 Al-Shabaab militants in Luuq town
-
HOL
3/15/2021 6:30 AM EST
MOGADISHU (HOL) - Somali military has said it killed 15 Al-Shabaab militants in Luuq town in Gedo region Sunday following heavy fighting
Kenya vows to defend disputed maritime border with Somalia
-
The Standard
3/15/2021 5:42 AM EST
The Foreign Affairs Ministry will today issue a statement on Kenya’s stand on the maritime dispute with Somalia that is before the International Court of Justice (ICJ).
Somalia receives its first batch of COVID vaccine a year after first case detected
-
HOL
3/15/2021 4:22 AM EST
Mogadishu (HOL) - The first doses of the World Health Organization's global vaccine-sharing program COVAX has landed in Somalia on Monday, marking a crucial step in the fight against the virus as deaths continue to rise.
Despite Kenyan pullout, ICJ to begin hearing oral arguments in Somalia-Kenya maritime dispute
-
HOL
3/15/2021 1:48 AM EST
Mogadishu (HOL) - The International Court of Justice is scheduled to begin hearing the oral arguments in the maritime dispute between Somalia and Kenya, despite the latter pulling out of the proceedings in protest after being denied a fourth extension to postpone the case.
A COVID turnaround in Minneapolis' Cedar-Riverside
-
Star Tribune
3/15/2021 12:54 AM EST
Through aggressive testing and stringent measures to curb the disease, the city has consistently lower rates of infection and deaths.
Kenya-Somalia maritime boundary dispute explained
-
Al Jazeera
3/15/2021 12:46 AM EST
On Monday, the United Nations’s highest court is due to begin hearings on a maritime boundary dispute between Somalia and Kenya, after years of delays in a case that has strained the neighbours’ diplomatic relations.