4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 15, 2021
Al-shabaab oo doonaya in ay askareeyaan maxaabiistii ay ka furteen xabsiga magaalada Bosaso
 

Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL) - Kooxda Alshabab ayaa bilowday in ay sii daayaan wareysiyo taxanne oo ay ka qaadeen maxaabiistii ay kusoo furteen weerarkii xabsiga magaalada Bosaso ee maamulka Puntland.

Wareysiyada laga qaaday maxaabiista oo ah kuwa maqal ah, ayaa maxaabiista oo sheeganaya in ay yihiin dad shacab ah waxay qaar kamid ah ku sheegayaan in ay ku biireen Alshabaab.

Illaa iyo hadda waxay sii daayeen labo wareysi oo ay ka qaadeen labo maxbuus oo ku sheegeen in ay kasoo kala jeedaan gobolka Sanaag iyo magaalada Harar ee dalka Ethiopia.

Alshabaab waxay sheegeen in ay gacanta ku hayaan boqolaal maxaabiis ah oo siyaabo kala duwan ugu xirnaa xabsiga Bosaso, kuwaas oo ay sheegeen in ay macluumaadkooda sii dayndoonaan.

Warar aan helayno waxay sheegayaan in Alshabaab uu qorshahooda yahay in ay maxaabiista ay gacanta ku hayaan askareeyaan, si ay ugu xoojiyaan awoodooda.

Hiiraan Online News Disk