4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 15, 2021
Ciidanka xoogga dalka ee Danab oo gubay gaari qarax lagu diyaarinayay oo ku sugnaa Tooratoorow
 

Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa saakay gubay gaari waxyaabaha qarxa ay kasoo buuxiyeen kooxda Alshabaab oo lagu diyaarinayay degaanka Tooratoorow ee gobolka Sh/hoose.

Tallaabadan lagu gubay gaariga qaraxa siday, ayaa qeyb ka ahaa howlgal ciidanka Danab ay saakay aroortii ka fuliyeen degaanka Tooratoorow, kadib markii ay ciidamadu heleen macluumaad ku aadan in Alshabab ay weerar ismiidaamin abaabulayso.

Waxay ciidamadu sheegeen in howlgalkaas lagu dilay ismiidaamiye loo diyaariyay inuu fuliyo weerarkaas oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida uu Idaacadda ciidamadda qaabka sida u sheegay taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Dubbe ayaa ammaanay ciidanka xoogga, gaar ahaan guutada Danab, isagoo sheegay in ay shacabka Muqdisho ka badbaadiyeen qarax loo soo waday.

“Waxan ammaanayaa Ciidanka Xoogga, gaar ahaan Guutada Danab oo shacabkooda Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Muqdisho ka badbaadiyey qarax iyo qasaaro cadowgu u soo waday. Guuleysta geeshkayagow” ayuu yidhi Wasiir Dubbe

Ciidanka xoogga Dalka gaar ahaan kumaandooska ayaa degaanka Tooratooroow iyo degaanada kale ee u dhow ka wada howlgalo ka dhan ah  kooxda Al-Shabaab iyo weerarada ay halkaas kasoo abaabulaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]