
Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw kasoo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho diyaarad sida tallaalka loogu talo galay in loo qaato Cudurka halista badan ee COVID-19 oo bilahii lasoo dhaafay si aad ah ugu soo laba kacleeyay gudaha dalka Soomaaliya.
newsinsideDiyaarada soo gaartay garoonka Muqdisho ayaa tallaalka COVID-19 ka keentay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana si rasmi ah ula wareegtay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, iyadoo goobta aay wasaaradda kula wareegeysay uu ku sugnaa Wakiilka Qarramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.
Tallaalkan COVID-19 ayaa la filayaa sida uu qorshaha yahay in maalmaha soo socda laga bilaabo qaadashadiisa magaalada Muqdisho uu si ba'an ugu sii faafayo Cudurka COVID-19.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]