4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 15, 2021
Galmudug '' Kama warqabno shir ka dhacaya xarunta Xalane

 

Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Dowlad Gobolleedka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in aysan ka warqabin dhinacooda shir ka dhacaya xarunta Xalane oo ay garwadaan ka yihiin beesha caalamka.

Wasiirka ayaa sheegay in mar walba Galmudug diyaar u tahay ka qeybgalka kulan kasta looga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya, hasse ahaatee waxaa uu intaa ku darray in shirka arrimaha doorashooyinka ee lagu balansan yahay loo mari doono dariiqyadii loo maray shirarkii ka horreeyay.

Wuxuu sheegay in Galmudug ka qeybgali doonto shir kasta oo hoggaankiisa ay leedahay dowladda Soomaaliya, isaga oo dhinaca kale joogitaanka xarunta Xalane ee madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ku tilmaamay mid iyaga u gaar ah oo la xiriirta arrimo amni.

Soomaaliya ayuu sheegay in ay ka soo gudubtay xiliggii ay shisheeye hoggaamin lahaayeen, sidaa daraadeed loo baahan yahay in ay iyagu dhameystaan khilaafaadka dhax yaala.

''Dowlad ayaa dalka ka jirta shirkana iyada ayaa hoggaamineysa, awalba shirarka ama maamul gobolleed ayaa gogasha fidin jiray ama dowladda iyada ayaa madaxda isugu yeeri jirta, wax intaa dhaafsiisan oo aan ognahay ma jiraan'' ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Galmudug.

Madaxeynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa hadda safar shaqo ugu maqan dalka Turkiga, waxaana sidoo kale safar dibadda ah ku maqan madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Cabdcasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen. 

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xili maalmihii ugu danbeeyayba ay soo baxayeen in ay jiraan madax maamul gobolleedyada qaar oo ka biyo diidan ka qeybgalka shirka Xalane oo ay hoggaaminayaan bulshada caalamka, iyaga oo taa badalkeeda daneynaya in loo hoggaasamo baaqii madaxtooyada Soomaaliya ee shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]