4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 15, 2021
Maxkamadda ICJ oo maanta gudagalidoonta dhageysiga dacwadda Badda

 

Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL) - Inkastoo dowladda Kenya ay sheegtay in aysan ka qeybgali doonin dhageysiga dacwadda kiiska Badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, haddana maxkamada ICJ oo dacwaddani hortaalo ayaa ku adkeysaneysa in ay gudagali doonto dhageysiga doodda arrintan ku saabsan.

Soomaaliya ayaa dhakeeda diyaar u ah in ay hortagto maxkamada kana jeediso dooddeeda ku saabsan kiiskan muddada dheer soo jiitamayay ee la xiriira is heysiga Badda ee kala dhaxeeya Kenya.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kenya Kihara Kariuki  ayaa sheegay in ka dowlad ahaan mar horeba u cadeeyeen maxkamada in aysan diyaar u aheyn dhankooda ka qeybgalka dhageysiga dacwadda labada dhinac sababo badan oo jira awgood, laakiin maxkamada ayaa arintaa ku gacanseyrtay madaama dhowr jeer oo hore la aqblay codsi sidan oo kale Kenya ku dalbatay in dib loo dhigo dacwadda.

Qoddobka ugu weyn oo ay Kenya u cuskatay tallaabadan ay ku diiday ka qeybgalka maxkamada ayeey ku sheegtay in saameynta cudurka Covid 19, laakiin maxkamada ayaa sheegtay in doodda inteeda badan lagu gali doono hab maqal iyo muuqaal ah.

Siweyn ayaa isha loogu wada hayaa maanta habka ay maxkamadu u gudagali doonto dhageysiga dacwadda oo ay dhinaca qarreenada Soomaalidu sheegeen in ay u diyaar-garoobeen.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]