4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 14, 2021
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in labo milyan oo qof oo ku nool gudaha dalka ay wajahayaan cunno yari iyo biyo la'aan
 

Axad, Maarso, 14, 2021 (HOL) - Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Soomaaliya ayaa shaacisay in labo milyan oo qof oo ku nool gudaha Soomaaliya ay wajahayaan cuni yari iyo biyo la’aan ka dhalatay abaaraha, Ayaxa iyo caabuqa Covid-19.

Wasiirka gargaarka Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka hadlaysay shir jaraa’id oo Muqdisho ay ku qabteen guddiga gurmadka qaran ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in xaaladda bin’aadanimo ee Soomaaliya ay gaartay heerka saddexaad ee qiimaynta Abaaraha.

Wasiir Khadiijo Diiriye waxay tilmaamtay marxalada hadda lagu jiro in ay sii cakirayso arrimaha binu’aadanimo ee dad ka badan shan milyan oo horay ugu baahnaa gargaar aadanimo.

Waxay ugu baaqday hay’addaha qaramada Midoobay iyo kuwa maxaliga ah in ay bixiyaan gurmad naf badbaadin ah, waxayna dowladda federalka iyo maamul goboleedyada ugu baaqday in loo midoobo xaaladdan adag ee dalku wajahayo.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in ay hay’addaha caalamiga ah ay kala hadleen in ay si degdeg ah ugasoo jawaabeen codsi dowladdu u jeedisay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]