Hiiraan Online
3/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Mar 14, 2021
Kenya oo sheegtay in ay ka baxday dacwadda badda ee kala dhexaysa Soomaaliya
Axad, Maarso, 14, 2021 (HOL) - Kenya ayaa sheegtay in ay ka baxday dacwadda badda seddex maalmood un ka hor intaan dacwadda dib loo bilaabin iyadoo daliishanaysa faafida COVID-19.
Waxay sidoo kale Kenya sheegtay in ay ka walaacsan tahay ka qaybgalka kiiska badda garsooraha Soomaaliyeed Abdulqawi Yusuf ee horay u ahaa madaxweynihii ICJ.
Xeer ilaaliyaha guud kenya Kihara Kariuki ayaa u diray maxkamada caddaalada aduunka warqad ku taariikheysan 11-kii Maarso oo ku saabsan in Kenya ay ka laabaneyso dacwada kadib markii loo diiday codsigeeda.
Kenya ayaa ku dooddaysa in aanay haysan diyaar garow ku filan. Waxay sidoo kale xustay in masiibada Covid-19 ay ka xayuubisay ilihii dhaqaalaha si ay u maalgaliso awoodeeda kiiska badda.
Isku dayo Kenya ay ku doonaysay in kiiska dib loo dhigo ayaa fashilmay kadib markii maxkamada caalamiga ay xukuntay in kiiska aan mar kale dib loo dhigidooni.
Maqnaanshaha Kenya, Maxkamaddu waxay xor u tahay inay sii waddo dacwadda oo ay soo saarto xukunkeeda maadaama ay Kenya horay u soo gudbisay qoraallo ay maxkamadda u gudbisay.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
Soomaaliya : 18 qof oo 24-saac gudaheed ugu geeriyooday cudurka Covid-19
3/14/2021 1:45 PM EST
Axad, Maarso, 14, 2021 (HOL) - Wasaaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay in 18 qof ay 24-saac ee ugu dambeeyay u geeriyoodeen cudurka Covid-19, waxayna sidoo kale diiwaan galisay 244 kiis oo cusub.
Faysal Cali Waraabe oo sheegay in uu doonayo in dastuurka la furo doorashada kadib
3/14/2021 1:40 PM EST
Isniin, Maarso, 14, 2021 (HOL-Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in uu qorshaynayo in dastuurka Somaliland la furo doorashada kadib.
Maxaa Kenya ku kalifay in ay isaga baxdo dhageysiga dacwadda Badda
3/14/2021 9:02 AM EST
Axad, Maarso, 14, 2021 (HOL)-Iyadoo maalinta berri ah lagu balansanaa maalinta koowaad ee dhageysiga dacwadda kiiska Badda ee ka dhaxeeya labada dowladood Soomaaliya iyo Kenya ayeey xukuumadda Nairobi sheegtay in ay isaga baxday dhageysiga dacwadda..
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in labo milyan oo qof oo ku nool gudaha dalka ay wajahayaan cunno yari iyo biyo la'aan
3/14/2021 7:20 AM EST
Axad, Maarso, 14, 2021 (HOL) - Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Soomaaliya ayaa shaacisay in labo milyan oo qof oo ku nool gudaha Soomaaliya ay wajahayaan cuni yari iyo biyo la’aan ka dhalatay abaaraha, Ayaxa iyo caabuqa Covid-19.
Hay'addo ka soo jawaabay baaqa la xiriira wax ka qabashada xaalada Bani'aadannimo ee Soomaaliya
3/14/2021 5:41 AM EST
Axad, Maarso, 14, 2021 (HOL) - Shir jaraa'id oo ay magaalada Muqdisho u qabteen guddiga ay dowladda Soomaaliya u saartay gurmadka xaalada abaarta ee ka jirta qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay helleen jawaabo heer caalami ah oo la xiriira wax ka qabashada xaalada abaarta.
Midowga Musharixiinta oo shir la leh madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland
3/14/2021 4:40 AM EST
Axad, Maarso, 14, 2021 (HOL) - Goor dhaw waxaa shir uga furmay magaalada Muqdisho Midowga Musharixiinta iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland oo Muqdisho u jooga ka qeybgalka shirka xal u helida ismari-waaga doorashada.
Qaar ka mid ah madaxda Dowlad Gobolleedyada oo wali ka maqan magaalada Muqdisho
3/14/2021 12:02 AM EST
Axad, Maarso, 14, 2021 (HOL) - Iyadoo la filayo dhawaan in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir ay soo qabanqaabiyeen beesha caalamka oo ay ka qeybgalayaan madaxda dowladda federaalka, dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir, ayaa dhinaca kale waxaan wali Muqdisho imaan qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleeyada dalka.
Somali News
UN urges Somalia to organize elections without delay
-
AP
3/14/2021 5:38 PM EST
The U.N. Security Council urged Somalia’s government on Friday to organize elections “without delay” in a resolution that stressed the pressing threat to the country’s security from al-Shabab and armed opposition groups.
Somalia: Gov't says 2.5M people need humanitarian aid
-
AA
3/14/2021 5:32 PM EST
Natural disasters, COVID-19 pandemic, terrorism all major challenges for Somalia, says top official
Ethiopia rejects US claims of ethnic cleansing in Tigray
-
Xinhua
3/14/2021 7:51 AM EST
The Ethiopian government on Saturday rejected US allegations of ethnic cleansing in the northern Tigray regional state as "completely unfounded".
UPDATE: Kenya pulls out of maritime case with Somalia, cites bias and COVID-19 impact
-
HOL
3/14/2021 1:47 AM EST
NAIROBI (HOL) - Kenya has notified the International Court of Justice that it will not participate in the maritime case against Somalia just a day before it is scheduled to begin. Kenya has cited the court's perceived bias and its unwillingness to delay the case - for a fourth time - due to the pandemic as the main reason for withdrawing from the legal proceedings.
Poor seasonal rains threatening ‘foundations’ of tens of thousands of Somali livelihoods
-
UN News
3/14/2021 12:24 AM EST
Poor rain forecast for the next few months threatens to exacerbate the plight of tens of thousands of Somalis displaced from their homes and villages due to “extreme” water shortages since last November, the UN humanitarian office said on Friday.
IDPs in Ethiopia’s Somali region suffering due to COVID19 impact
-
Radio Ergo
3/14/2021 12:16 AM EST
(ERGO) – A thousand students living in one of the largest internal displacement camps in Ethiopia’s Somali region have been out of school for almost a year due to COVID19 restrictions, which have also led to growing food shortages among the camp residents.
Somali: 1 killed in bomb attack on military officer
-
AA
3/14/2021 12:13 AM EST
Somali colonel among several people wounded in attack in capital, which no one has claimed responsibility for