4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 14, 2021
Qaar ka mid ah madaxda Dowlad Gobolleedyada oo wali ka maqan magaalada Muqdisho

 

Axad, Maarso, 14, 2021 (HOL) -  Iyadoo la filayo dhawaan in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir ay soo qabanqaabiyeen beesha caalamka oo ay ka qeybgalayaan madaxda dowladda federaalka, dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir, ayaa dhinaca kale waxaan wali Muqdisho imaan qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleeyada dalka.

Muqdisho waxaa xiliggan ku sugan madaxweynayaasha Dowlad Gobolleedyada Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeelle, halka ay ka maqan yihiin madaxweynayaasha Dowlad Gobolleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo muhiim u ah  ka qeybgalka kulanka.

Madaxtooyada Soomaaliya dhinaceeda wali wax war ah kama aysan soo saarin shirkan ay soo qabanqaabiyeen bulshada caalamka ee la qorsheynayo in uu ka dhaco teendhada Afsiyooni oo ah halkii Afar sano ka hor lagu doortay madaxweynaha talada sii haya ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,

Ilaa iyo hadda lama oga waqtiga rasmiga ah ee shirkani uu furmayo iyo sida ay dhinacyada oo dhan raali uga wada  yihiin  kulankan iyadoo dhowr jeer oo hore  lagu gacanseyray ka qeybgalka shirar  uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo.

Madaxda Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya ayaa dadaal xoog leh ugu jira sidii dhinacyada Soomaalida uga wada hadli lahaayeen doorasho wadar ogol ku dhacda islamarkaana loo dhameyn lahaa wixii  khilaafaad ah ee jira.

Safiirka cusub ee dowladda UK Kate Foster  ayaa dhinaceeda arrimaha doorashada kala hadashay midowga musharixiinta iyo sidii horey loogu marin lahaa wada hadallada lagu xalinayo khilaafaadka jira, sidoo kale safiirka ayaa kulan kaa la mid ah la qaadatay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi.

Lama oga waqtiga ay Muqdisho imaan doonaan madaxweynayaasha Dowlad Gobolleedyada wali maqan iyo xiliga kama danbeysta ee shirkani  furmayo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]