4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 13, 2021
Somaliland : Xanuunka Covid-19 oo xawli ku faafaya
 

Sabti, Maarso, 13, 2021 (HOL) - Wasiirka caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi ayaa sheegay in ay sii kordhayso faafista iyo dhimashada caabuqa Covid19 ee Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in caabuqu uu si xawliya ugu fidayo gudaha Somaliland.

“Xaqiiqo waxa ah oo marag ma doon ah in xanuunku uu aad u kacayo, oo xaaladaha dadka uu ku dhacayaana ay kordhayaan, dhimashaduna ay korodhay” ayuu yidhi wasiirku.

“Dhimashadu sidii hore maaha waa joogto, shalay oo ugu danbaysay 3 qof baa dhintay” ayuu wasiirku hadalkiisa sii raaciyay.

Wasiirka ayaa bulshada faray, in ay ka taxadaraan caabuqa isla markaana ay qaataan talooyinka wasaarada caafimaadka.

“Waxkasta oo la sameeyo waxa ugu muhiimsan wacyiga iyo in qofku tilmamaha wasaarada caafimaadka qaato” ayuu yidhi wasiirku.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]