4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 13, 2021
Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Sabti, Maarso, 13, 2021 (HOL)  Qarax loo adeegsaday miino ayaa goor dhaw ka dhacay waddada Afsiyooni ee magaalada Muqdisho, sida ay warbaahinta u sheegeen dad goob joogayaal ah.

Qaraxa ayaa lagu waramayaa in lala eegtay gaari uu la socday saraal ka tirsan militariga Soomaaliya oo la sheegay in qaraxa uu ku dhaawacmay.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaa oo xiray goobta uu qaraxa ka dhacay.

Qaraxyada noocan ah ayaa toddobadyadii ugu danbeeyay ku soo badanayay magaalada Muqdisho kuwaa oo lala eeganayay mas'uuliyiinta iyo saraakiisha ka tirsan hay'addaha kala duwan ee dowladda.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]