4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 13, 2021
Imaraatka Carabta oo Somaliland usoo magacaabay wakiil
 

Sabti, Maarso, 13, 2021 (HOL) - Dowlada Imaraatka Carabta ayaa Cabdulla Alnaqbi usoo magacawday in uu noqdo wakiil keeda Somaliland.

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Cabdulla Alnaqbi oo noqonaya wakiilkii ugu horeeyay ee Imaraatka Carabtu usoo magacaabo Somaliland.

Warsaxafadeed kasoo baxday madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in  wakiilku uu madaxwaynaha Somaliland gaadhsiiyay waraaqaha aqoonsiga iyo salaan uu uga siday madaxda ugu saraysa dawlada Imaraatka.

Sidookale wakiilka cusub ayaa madaxwaynaha Somaliland uga mahadnaqay sida qiimaha leh ee uu uga guddoomay waraaqaha aqoonsiga sida lagu sheegay warsaxafeedka.

Warsaxafadeedka aya sidokale lagu sheegay in madaxwaynaha Somaliland uu wakiilka u sheegay in uu soo gadhay dal iyo dad jecel walaltinimada iyo wada shqaynta.

Madaxwaynaha Somaliland ayaa dhinacakale wakiilka xogwaran kasiiyay hanaanka dimuquraadiyadeed ee ka hana qaaday Somaliland iyo doorashooyiinka soo fooleh sida warsaxafadeedka lagu sheegay.

Warsaxafadeedka ayaa ugu danbayntii lagu sheegay in madaxwaynaha Somaliland uu dawlada Imaraatka Carabta uga mahad celiyay sii xoojinta xidhiidhka labada dal iyo in dawalda Imaratku noqotay dalkii ugu horeeyay ee Somaliland ku sameeya maal gashi baaxadleh,

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]