4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 13, 2021
Madaxweynaha Puntland oo soo gaaray magaalada Muqdisho


Sabti, Maarso, 13, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu horkacyo ayaa goor dhaw ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Ka hor inta uusan soo gaarin madaxweyne Deni magaalada Muqdisho waxaa garoonka diyaaradaha ka soo degay ciidamo gaar ah oo ka tirsan ilaalada madaxweynaha kuwaa oo amaankiisa sugi doona.

Madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in uu ka qeybgalo shir ay garwadeen ka tahay beesha caalamka oo la filayo in uu dhawaan u furmo madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir kaa looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Horey waxaa Muqdisho u sii joogay madaxweynayaasha  Jubbaland iyo Hirshabeelle, hasse ahaatee waxaa safar dibadda ah ku maqan oo aan iman madaxweynayaasha Dowlad gobolleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Ilaa iyo hadda lama oga xiligan rasmi ah ee uu shirkani furmayo, balse beesha caalamka ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii ugu danbeyntii dhinacyada Soomalida heshiis buuxda uga gaari lahaayeen doorashada dalka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]