Facebook| Abdirahman Bulshaawi
Sabti, Maarso, 13, 2021 (HOL) - Ciidamo aad hubaysan oo ah ilaalada madaxweynaha Puntland ayaa gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku wajahan yahay madaxweyne Deni oo ka qeyb galaya shirka arrimaha doorashada.
newsinsideIlaalada madaxweyne Deni oo kor u dhaafaya kontomeeyo askari ayaa qaar kamid ah waxay ku hubaysan yihiin qoryaha darandooriga u dhaca, waxay kaloo garbaha ku sitaan santuuqyo rasaas kayd ah.
Waa markii ugu horaysay oo madaxweyne dowlad goboleed uu Muqdisho kala dego ciidan sidaas oo kale u hubaysan.
Madaxweyne Deni ayaa horay warbaahinta uga sheegay inuu shaki weyn ka qabo ciidamada Haramcad ee sida gaarka ah u tababaran iyo ciidamada Gorgor, sida loo soo tababaray isagoo ku tilmaamay ciidan aan naxariis lahayn.
Arrintaan ayaa muujinaysa heerka uu marayo khilaafka dowladda federalka iyo Puntland, isagoo madaxweyne Deni Muqdisho ku tagaya damaanad amni oo uu ka dalbaday beesha caalamka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]