4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 13, 2021
UN '' Dad gaaraya 83,000 ayaa u barakacay biyo la'aan gudaha dalka Soomaaliya

 

Sabti, Maarso, 13, 2021 (HOL) -- War bixin ka soo baxday hay'addaXafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwaha ee Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa lagu sheegay Jimcihii in dad gaaraya 83, 000 gudaha dalka Soomaaliya u barakaceen biyo la'aan daran tan iyo bishii Nofeembar ee sannadkii 2020

''Iskahorimaadyo, nabadgelyo darro ,dhibaatada kale, cimilada qalafsan iyo saadaasha roobab ka hooseeya celcelis ahaan meelaha qaar waxaa ay sii  kordhin doonaan baahiyaha bani’aadamnimada,” ayaa sidoo kale lagu yiri warbixinta ka soo baxday OCHA.

Hay'addaha ayaa intaa ku darrtay in wada-hawlgalayaasha bani’aadamnimadu ay biyo gaarsiinayaan qiyaastii 300,000 oo qof oo ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya maaddaama Sanduuqa Bani’aadamnimada ee Soomaaliya (SHF), oo ah habab deeq-bixiyeyaal badan oo fadhigiisu yahay waddanka, uu u qoondeeynayo ilaa 13 milyan oo doolar wax ka qabashada dhibaatada.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xusay in in Mark Lowcock, xoghayaha-guud ee arrimaha bani’aadamnimada iyo isku-duwaha gargaarka deg-degga ah, “uu taageeray illaa $ 7 milyan oo loogu talagalay waxqabadka degdegga ah iyo illaa $ 20 milyan oo loogu talagalay in lagu hawlgeliyo qaab-dhismeedka Waxqabadka Ka-hortagga.”

Xaalada hadda ka jirta Soomaaliya ee la xiriirta khilaafka siyaasadeed ayaa sidoo kale la sheegay in ay uga sii dari karto dhibaatada dhinaca bani'aadannimada ah ee ka taagan gudaha dalka.

Warbixinta ayaa imaneysa xili qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya laga soo sheegayo abaar ba'an, gaar ahaan biyo la'aan meelaha qaar ay dad ugu dhinteen gaar ahaan gobolka Gedo oo la leeyahay waxaa ka jirta xaalad bani'daannimo oo aad u darran.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]