4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 13, 2021
Golaha Amaanka oo ka digay dib u dhac danbe oo ku yimaada doorashada Soomaaliya

 

Sabti, Maarso, 13, 2021 (HOL) -- Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa jimcihii meel mariyay qaraar lagu kordhinayo waqtiga howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya ilaa bisha December.

Qoraalka oo ka kooban 13-bog oo ay soo diyaarisay Britain ayaa waxaa si aqlabiyad leh ku ansixiyay 15-ka xubnood ee Golaha, sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed.

Golaha Amaanka ayaa dhinaca kale dalbaday dhinacyada Soomaaliya inay xal ka gaaraan khilaafka, sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorasho.

Qaraarka  Golaha Amaanka uu isku raacay ayaa imaanaya xili lagu waddo in magaalada Muqdisho uu ka dhaco shir ay yeelanayaan madaxda dowladda, dowlad gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir kaasoo looga wada hadlayo arrimaha doorashada.

Balse dhinaca kale marka la eego waxaa wali jira caqabado waaweyn oo shirkan ku hareereysan, gaar ahaan marka la eego sida maamulada Puntland iyo Jubbaland ku aqbali karaan hannaanka ay madaxtooaydu u maamuleyso doorashada oo marar badan lagu kala tagay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]