4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 13, 2021
Madaxweynaha Puntland oo maanta ku wajahan magaalada Muqdisho
 

Sabti, Maarso, 13, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maanta ku wajahan magaalada Muqdisho, halkaas oo uu uga qeyb galayo  dhameystirka heshiiska arrimaha doorashada ee soo jiitamayay.

Madaxweyne Deni ayaa iska sii horumariyay ciidamo badan oo si gaar ah ammaankiisa u sugaya, kuwaas oo racoodii koowaad ay ka duuleen garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso.

Lama oga in madaxweyne Deni uu hoy ka dhigan doono xerada Xallane sida madaxweyne Axmed Madoobe uu sameeyay, iyagoo labada madaxweyne ay kalsooni darro ka muujiyeen isku halaynta amni ee dowladda federalka.

Shirkan oo ay dabada kariixayso beesha caalamka ayaa la filayaa in ugu dambayn heshiis looga gaaro arrimaha la isku khilaafsan yahay islamarkaana la qaato go’aamadii kasoo baxay shirkii Baydhabo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]