4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 12, 2021
Khilaaf dhul oo sababay dhimasho oo ka dhacay magaalada Laascaanood
 

Jimco, Maarso, 12, 2021 (HOL) - Khilaafkan ayaa sababay dhimashada halruux sidoo kale labo qof ayaa ku dhaawacantay kadib markii weerar hubaysan uu ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Gudoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo dhacdadaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in la qabtay dadkii denbiilayaasha ahaa in sharciga la hirkeenayana wuu raaciyey Jiidhe.

Khilaafka dhacdadan sababay ayuu sheegay gudoomiyuhu in uu sababay dhul, waxaan ku dheeraaday dhibaatooyinka dhulku haatan ku hayo magaalada in si degdeg ahna talaabo looga qaadayo ayuu ku goodiyey.

Dhacdadan ayaa saamayn ku yeelatay bulshada, waxaana la hadal hayaa wiil iyo aabihii oo midna dhintay midna dhaawacmay, waxaase aad loo saadaalinayaa in aanay aafo weyn sababi doonin maadaama heshiisyadii Adhicadeeye ee labada daraf ee dhacdadan wada galeen.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood