4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 12, 2021
Biden oo sheegay in bartamaha sanadkan dadkiisu ka xoroobayaan Covid 19

 

Jimco, Maarso, 12, 2021 (HOL)  - Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka uu saameynta ba'an ku hayo cudurka saf marka ah ee Covid 19, hasse ahaatee madaxweyne Joe Biden  ayaa hadda u muuqda mid kalsooni buuxda ku qaba in cudurkan laga sifeyn karo guud ahaan dalkaasi Mareykanka ilaa bisha July ee bartamaha sanadkan.

Wuxuu sheegay in dalkiisu uu heli doono tallaal ku filan oo ay qaadan doonaan guud ahaan dadka dalkaasi ku dhaqan, ilaa dabayaaqada bisha May.

Wuxuu sheegay in qof walba oo Mareykan ah lagu amri doono in uu qaato tallaalka, sidaa daraadeed guud ahaan gobollada dalkaasina laga doonayo in ay arinkaa u diyaargaroobaan.

"Hadii aan howsha wada qabano, marka la gaaro 4 July waxaa jiri doona fursad ah in qoysaska iyo asxaabta ay isu imaan karaan oo ay u dabaaldagi karaan maalinta xorriyadda," ayuu yiri Mr Biden.

Laakiin dad badan ayaa aaminsan in xaalka cudurkani sidaa u fuddeyn maadaama uu yahay cudur isaga gudba xudduudaha islamarkaana yahay cudur si fudud leysku qaad sii karo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]