4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 11, 2021
Maamulka gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay in ganaax iyo ciqaab lagu rididoono qofkii aan soo xiran Facemask
 

Khamiis, Maarso, 11, 2021 (HOL) - Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay ciqaab dhan $ 5 oo lagu ganaaxi doono cidii aan xiran wajiga gashiga (Facemask) looga hortagayo faafitaanka Cudurka Covid-19.

Afhayeenka gobolka Banaadir Salaax Dheere, ayaa sheegay shacabka gobolka Banaadir in la faray marka ay guryahooda kasoo baxayaan in ay soo xirtaan af-xir, haddii kalena ay la kulmi doonaan ganaax ama ciqaab.

Go’aankaan ayaa kasoo baxay kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen masuuliyiinta sare ee maamulka gobolka Banaadir, iyadoo laga tashanayay sidii looga hortagi lahaa khatarta sii kordhaysa ee COVID19.

Maamulka gobolka Banaadir wuxuu sheegay xarumaha ganacsiga in la ganaaxi doono haddii ay oggolaadaan in cid aan xirnayn Facemask uu soo galo xarumahooda.

Tallaabadan ganaaxa ah ama ciqaabta ah ayuu maamulka gobolka Banaadir u arkaa in ay tahay tallaabo dhaqan gali karta, maadaama ay dadweynuhu ka dhega adaygeen wacyi galintii dowladdu ay waday. 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]