4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 11, 2021
Soomaaliya iyo Talyaaniga oo Muqdisho ku kala saxiixday heshiis dayn cafin ah


Khamiis, Maarso, 11, 2021 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta maagalada Muqdisho kula saxiixday safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya heshiis ku saabsan deyn cafinta Soomaaliya.

Heshiiska deyn cafinta ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa daba socda go'aankii dalalka Paris Club ama Naadiga Paris  ee Soomaaliya looga cafiyay 1.4 Bilyan Sanadkii tagay 2020-kii.

"Maanta waxa aan Dowladda Talyaaniga la saxiixanay heshiis Deyn Cafin ah oo daba socda go'aankii wadamada Paris Club ee Soomaaliya looga cafiyay 1.4 Bilyan Sanadkii tagay 2020-kii. Waxa aan u mahadcelinayaa Safiirka Dowladda Italy u jooga Soomaaliya Mudane Alberto Vecchi oo si gaar ah nagala shaqeeyay Saxiixa maanta inoo suuro galay.". Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dadaal ugu jirto sii loo dhamaystiri lahaa in dalka laga cafiyo deymaha faraha badan ee wali lagu leeyahay.

Dowladdu waxay sheegtay in deyn badan Soomaaliya laga cafiyay sanadkii la soo dhaafay ee 2020-ka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]