4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 11, 2021
Xukuummadda oo guddi heer Qaran ah u saartay aaska Cali Mahdi Maxamed

 

Khamiis, Maarso, 11, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa magacaabay guddi heer Qaran ah oo ka kooban 11 xubnood kuwaa oo diyaarin doona qabanqaabada Aaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Guddigan oo ka kooban Golaha Wasiirradda iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa diyaarin doona Aas heer Qaran ah oo loo sameyn doono Cali Mahdi Maxamed oo xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi.

Guddiga ayaa kala ah.

1. Xasan Xundubeey Jimcaale, Guddoomiye
2. Cismaan Abokar Dubbe, Guddoomiye ku-xigeen
3. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Xubin
4. Janaraal Mukhtaar Xuseen Afrax, Xubin
5. Xasan Xuseen Xaaji, Xubin
6. Eng. Cabdullaahi Abuuakar Xaaji (Carab), Xubin
7. Durraan Axmed Faarax, Xubin
8. Cumar Cali Rooble, Xubin
9. Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur, Xubin
10. Xil. Maxamed Axmed Abtitoon, Xubin
11. Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Gureey), Xubin.

Alle ha u naxariisteen Cali Mahdi oo dalka madaxweyne ka soo noqday 1991 markii ay burburtay dowladdii dhexe ayaa xukunka wareejiyay sanadkii 2000 kaddib shirkii Carta ka dhacay ee madaxweynaha loogu doortay Cabdiqaasim Salaad Xassan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]