4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 1 , 2021
Duqa Muqdisho oo soo saaray amar deg deg ah oo ku socda Shacabka iyo Ganacsatada Muqdisho
 

Isniin, Maarso, 01, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa maanta shir gudoomiyay kulan gaar ah oo looga hadlayay Wacyigelinta Cudurka safmarka ah ee COVID-19 kaaso ka dhacay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa la qeyb galay guddoomiye ku xigeenada maamulka gobolka Banaadir, guddoomiyaasha degmooyinka, sarakiisha amniga iyo Agaasimayaal ka tirsan waaxyaha dowladda hoose ee gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa intuu socday waxaa looga arinsaday sidii looga Wacyigalin lahaa Cudurka halista badan ee COVID-19 Bulshada ku nool magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana guddoomiye Cumar Filish uu amar ku bixiyay in la xirto Afsaarka si looga samata baxo Xanuunka COVID-19

Agaasimaha guud ee Warbaahinta gobolka Banaadir Cabdullaahi Wiish ayaa aqriyay War-saxafadeed kasoo baxay Duqa magaalada Muqdisho kaasoo lagu faray, goobaha Ganacsiga sida Dukaamada Maqaayadaha, Carwooyinka, Bangiyada iyo Xafiisyada bixiya adeegyada dadweynaha ineysan ogolaan qof aanan xirneen Afxirasho inuu ka Dukaameysto meheradooda Ganacsi.

Amarka kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu faray dhamaan goobaha Ganacsiga iney dhaqan galiyaan  si looga hortago faafitaanka Cudurka dilaaga ah ee COVID-19 oo si aad ah ugu soo laba kacleeyay gudaha dalka Soomaaliya haba ugu sii darnaatee magaalada Muqdisho.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]