4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 9 , 2021
Madaxweynaha Somaliland oo taageeray xildhibaan katirsan xisbiga Waddani in uu noqdo mayorka Hargaysa


Arbaco, Juun, 9, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa taageeray Cabdikariim Axmed Mooge, oo kasoo baxay xisbiga Waddani in uu noqdo mayor ka Hargaysa, kadib markii xisbiyada mucaarad ku isku khilaafeen mayor nimadiisa.

Cabdikariim Axmed Mooge oo aha musharixi ugu codka badna  golaha deegaanka ee Hargaysa, isla markaana mayor nimo u sharaxnaa ayuu madaxweynaha Somaliland xafiiskiisa ku qaabilay isaga iyo xildhibaano kale oo ka tirsan mucaaradka.

Musharaxa ayaa madaxweynaha Somaliland baaq u diray galinkii hore ee maanta kadib markii xisbiyada mucaaradku ay isku afgaran wayeen mayor nimadiisa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka jawaabay baaqa xildhibaan Mooge ayaa sheegay in uu garab taaganyahay.

“Baaqiini jawaabtiisi waxa weeyi waanu idin garabtaganahay, wixi xuquuq ah ee aad doorashada ku leedihiina diyaar baanu u nahay in aanu idinla howl galo” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wadada sharciga ah loo mari doono hanka xildhibaan Cabdikariim Axmed Mooge.

Mooge aya isaguna dhankiisa uga mahadceliyay madaxweynaha Somaliland sida dag dag ga ah ee uu u aqbalay baaqii uu usoo diray.

“Waanu kaaga mahadcelinaynaa in aad na aqbashay, shacabka reer Hargaysa ee naga filaya in aanu u dhisno Hargaysa cusub waxa u Sharaf ah in Alle siiyay madaxweyne ixtiraamaya oo dhagaysanaya” ayuu yidhi Mooge.

Cabdikariim Axmed Mooge oo doorashada kahor shaaciyay in uu u taaganyahay mayorka Hargaysa, ayaa kusoo baxay cod dhan 26,299 cod oo ah cod kii ugu badna ee qof musharax golaha deegaan ah abid lagu doorto.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online