4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 9 , 2021
Golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya oo soo dhoweeyay shaqada guddiga xaqiiqo raadinta
 

Arbaco, Juun, 9, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhoweeyay tallaabooyinka ay qaadeen guddiga xaqiiqo raadinta ah ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ee loo xil saaray kala shaandheynta xubnaha dacwada laga keenay ee guddiyada doorashada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Midowga Musharaxiinta ayaa dhinaca kale codsaday in si daah furan oo madax bannaan u soo bandhigaan habraaca iyo hannaanka loo maray kala shaandheynta xubnaha guddiyada doorashada.

Midowga Musharaxiinta waxay sidoo kale dalbadeen in guddiyada doorashada ay noqdaan kuwo loo maray habraac iyo hannaan daah furan oo ku saleysan habraacyadii iyo heshiisyada doorashooyinka, si looga hortago in mar kale ay guddiyada doorashada ka mid noqdaan xubno ka tirsan shaqaalaha dowladda, ciidamada iyo xubno taageerayaal u ah shaqsiyaad gaar ah.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online