4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 8 , 2021
Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo fariin u diray Saraakiisha iyo ciidanka Booliiska
 

Talaado, Juun, 8, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Jenaraal Cabdi Xasan Xijaar oo magaalada Muqdisho kula hadlay warbaahinta ayaa amaro cusub faray saraakiisha iyo ciidanka Booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku sugan koontaroolada laga sugo amaanka Muqdisho.

Taliye Xijaar ayaa sarakiisha iyo ciidamada Booliiska ee ku sugan baraha koontaroolada Muqdisho ka dalbaday in shacabka Soomaaliyeed aay ula dhaqmaan si wanaagsan, xiliyada aay ku jiraan shaqo maalmeedkooda.

"Ciidanka Booliiska meel kasto oo uu joogo waxaan amrayaa in shacabka Soomaaliyeed aay wakiilka ka yihiin iney si wanaagsan ula dhaqmaan sida Koontaroolada, Suuqyada, Saldhigyada, Laamiga, Booliiska waa ilaaliyaha shacabka" ayuu yiri Jenaraal Cabdi Xasan Xijaar.

Hadalka taliyaha Booliiska ayaa imaanaya iyadoo mudooyinkii dambe cabasho xoogaan kasoo yeeraysay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo la xariirto dhibaatooyin aay kala kulmaan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Taliye Xijaar ayaa si gaar ah uga dalbaday ciidanka Booliiska iney il gaar ah ku eegaan oo aay u naxariistaan dadka da'da ah Caruurta, iyo haweenka xiliyada aay isticmaalayaan wadooyinka waaweyn.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]