4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 7 , 2021
Madaxweynaha Jubbaland oo magacaabay guddoomiye cusub
 

Isniin, Juun, 7, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa waxaa uu ku magacaabay guddoomiyaha guddiga qaxootiga iyo Barakacayaasha.

Wareegtada ayaa guddoomiyaha guddiga qaxootiga iyo barakacayaasha waxaa loogu magacaabay Injineer Cabdi Xuseen Maxamed oo horay usoo noqday wasiirka wasaaradda Warfaafinta dowladda goboleedka Jubbaland.

Wareegtada lagu magacaabay guddoomiyaha guddiga qaxootiga iyo barakacayaasha ayaa lagu sheegay in sababaha loo magacaabay aay ka mid tahay markii la arkay baahida loo qabo in xal waara loo helo qaxootiga iyo barakacayaasha.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]