4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 7 , 2021
Dad kusoo dhaawacmay duqeymo diyaaradaha Kenya ka geysteen gobolka Gedo oo Muqdisho la keenay
 

Isniin, Juun, 7, 2021 (HOL) - Ilaa lix Caruur ah oo kusoo dhaawacmay duqeymo culus oo diyaaradaha Kenya dhawaan ka geysteen deegaano badan oo ka tirsan gobolka Gedo ayaa lasoo gaarsiiyay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Caruurtan ayaa qaba dhaawacyo kala duwan oo kasoo gaaray duqeymo xoogan oo aay deegaanadooda ka geysteen diyaarahada dowladda Kenya.

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Aadan Xuseen Gureey oo Caruurta dhaawacyada qaba kusoo dhaweeyay garoonka Muqdisho ayaa sheegay in Kenya aay Caruurtan guryahooda ku duqeysay, iyada oo qiil ka dhiganeysa iney ka mid tahay howlgalka AMISOM.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray iney duqeymaha iyo xadgudubyada aay dowladda Kenya ka geysaneyso gudaha Soomaaliya aay tahay mid aanan wanaagsanen oo loo dulqaadan karin, iyadoo waliba uu xiran yahay xaduuda labada dal.

Duqeymaha diyaarahada Kenya ka geystaan gobolka Gedo ayaa noqday kuwa kusoo laablaabtay, iyadoona waxyeelada ugu badan aay u geystaan dadka shacabka ah.

Howlgalka AMISOM ayaa shalay soo saaray Bayaan aay kaga hadlayaan duqeyntii ugu dambeysay ee maalin ka hor diyaaradaha Kenya ka geysteen gobolka Gedo iney baaritaan ku sameynayaan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]