4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 6 , 2021
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabbilay madaxa Hay’adda IOM


Axad, Juun, 6, 2021 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Madaxa howlgalka Soomaaliya ee hay’adda Socdaalka adduunka ee IOM, Richard Danziger.

Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa agaasimaha Guud ee Wasaaradda , Mudane Cabdullahi Maxamed Cali ayaa looga hadlay xoojinta Iskaashiga labada dhinac, Isu-socodka Shaqaalaha iyo sidii tabbabaro xirfadeed loo siin lahaa Shaqaalaha Soomaaliyeed ee shaqooyinka u tagaya dibadda.

“Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay dalkan ugu xilsaaran tahay arrimo muhiim ah taas ayaan dooneyna in Muwaadiniinta ay arki karaan, Shaqo abuurka, xirfadaha iyo Daryeelka Bulshada oo wax badan laga qabta ayaan diiradda saareyna.” ayuu yiri Wasiirka Cabdiwahaab Ugaas Xuseen.

Kulankan ayaa qeyb ka aha kullamada uu Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ku dardar-galinayo howlaha shaqo ee Wasaaradda.

Iman Jama, Hiiraan Online