4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 6 , 2021
Barkhad Jaamac Batuun “Majiri doonto waa laga tiro badanyahay, waala yasaa, waala hayb-soocaa”
 

Axad, Juun, 6, 2021 (HOL) - Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo warbaahinta la hadlay ayaa guushiisa ku macneeyay in ay tahay mid jabisay dayrkii qablayada, hayb-sooca iyo yasitaanka isla markaana ay tahay astaan qaran.

Barkhad oo la hadlaya shacabkii doortay ayaa yidhi “shacabka ku dhaqan gobolka Maroodijeex, magaalada Hargaysa, degmo kasta oo aad dagantihiin, waxan idiin hayaa abaal iyo ogaal”.

“Walaalayal waxaad iga dhigteen astaan qaranka Somaliland uu leeyahay, waxan idiin balan qaadayaa in aan noqon doono adeege umadeed”.

Barkhad oo sigaara u hadlayay bulshada ku dhaqan deegaanka uu kasoo jeedo, ayaa sheegay in doorashadiisu ay burburisay qabyaaladii iyo haybsooci.

“In badan baa layna laha waa laga tiro badanyahay oo aynu aqbalay, in badan baa la laha waala hayb-sooca oo aynu aqbalay, maanta waxaynu duminay dayrkii dulmiga” ayuu yidhi.

“Waxaynu muujinay muruqeena, maskaxdeena iyo muwaadin nimadeena, waxaynu muujinay macnaha aynu dalka ku leenahay”.

“Majiri doonto waa laga tiro badanyahay, ma jiri doonto waala hayb-sooca, ma jiri doonto waala yasaa, gob ayaad tihiin, idinka dadka ugu sareeya, meel ka sokaysa in aad muwaadiniinta Somaliland tihiin oo aad qabsatan yayna jirin” ayuu hadalkiisa ku daray.

Waa markii ugu horaysay ee bulshada uu Barkhad Jamac Batuun kasoo jeedo matalaad ku yeelan doonaan golaha wakiilada Somaliland.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]