4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 6 , 2021
Puntland: Waan ku guulaysanay in Shacabka Sool iyo Sanaag aysan ka qeyb galin doorashada Somaliland
 

Axad, Juun, 6, 2021 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay in ay ku guulaystay in shacabka gobolada Sool, Sanaag iyo degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer aysan ka qeyb galin  doorashooyinka Somaliland ee heer barlamaan iyo heer deegaan.

Dadka kasoo jeeda goboladaas ayaa tiro aad u yar ka helay kuraasta barlamaanka Somaliland, taasoo loo aaneeynayo in aysan dadweynuhu sidii la rabay uga qeyb qaadan coddaynta doorashooyinka isku sidkanaa.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Musadaq Maxamed oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka maamulka Puntland, ayaa sheegay, in sanad ka hor la qorsheeyay in laga hor yimaado in Somaliland diiwaan galin ka sameyso goboladaas iyo deegaanada hoos yimaado.

“Puntland waxay culays xoogan saartay in shacabka goboladaas ku nool ay codkooda oo midaysan uga qeyb qaataan doorashooyinka soo socda ee Puntland. Waan ku guulaysanay in aan ka hor imaano doorasho beenaadka  lagasoo abaabulo Hargeysa,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha.

Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad uu sheegay inay wadaan qorshayayaal ay Puntland dib ugusoo ceshanayso dhulka ka maqan, iyadoo loo marayo hannaan siyaasideed oo lagusoo jiidanayo kalsoonida bulshada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online