4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 6 , 2021
Cabdiraxmaan Cabdishakuur " Ma cadda hannaanka loo maray turxaan bixinta xubnaha guddiyada doorashada"
 

Axad, Juun, 6, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame oo goordhaw Shirjaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga horyimid hanaanka loo maray turxaan bixinta xubnaha guddiyada doorashooyinka heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed aaysan waxba ka duwaneen qaabkii horay loogu magacaabay.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sidoo kale sheegay ineysan jirin cid talo laga galiyay turxaan bixinta lagu sameeyay xubnahii cabashada laga qabay, isagoona tilmaamay in Xukuumadda iyada horay u magacawday guddiyada, hadana iyada lee go'aansatay iney wax ka badesho.

"Hannaanka loo maray turxaan bixinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo dowlad goboleed kama duwana habkii loo magacaabay. Xukuumadda iyadaa guddiyada soo magacaawday, iyadaa go’aansatay iney faafiso magacyada xubnaha tabashada laga qabo, caddeymaha iyada uunbaa heshay ama soo waysay. Ma jirto talo laga geliyey cidii cabashada qabtay, liiskana gudbisay oo ay ugu horreeyaan Midowga Murashaxiinta, Mana cadda hannaanka loo maray turxaan bixinta xubnaha" ayuu yiri C/raxmaam C/shakuur.

Waxuu intaasi ku daray ineey doonayaan doorasho daahfuran oo si hufnaan leh ku dhacdo, isago Raysal wasaare Rooble ugu baaqay inuusan ka bixin dhexdhexaadnimadii lagu balamay oo uu wado saxan u maro xalinta tabashooyinka horyaala arrimaha doorashooyinka iyo heshiisyadii aay wada gaareen madasha wadatashiga qaran.

"Waxaan aaminsanahay in inta badan xubnihii NISA ka tirsanaa, gaar ahaan kuwii dharcadda ahaa (Undercover) ay weli si xoog leh guddiyada ugu jiraan.  Waxaan ka codsanaynaa Raysalwasaaraha in uu xallinta tabashooyinka u maro waddo sax ah oo daahfuran, hufnaan iyo dhexdhexaadnimo leh, si ay doorashadu u noqoto mid la isla ogolyahay"

Hoggaamiye C/raxmaan C/shakuur ayaa sidoo kale Shirkiisa Jaraa'id ku sheegay in Soomaaliland aay ka dhacday doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsan yahay taasoo ku timid in Mucaaradka iyo dowladaba aay doorashada ka hor isla garteen qabsoomida doorasho loo dhan yahay oo si wadajir ah looga wada tashtay.

"Hadii aay timaado doorasho boob ah ama ku shubasho ah waa lawada garan karaa cawaaqib xumida ka dhalan karta marka Raysal wasaare rooble waxaan u sheegaya waxaan ka diidnay Farmaajo inaan asaga ka yeeleynin" ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Hadalka Hoggaamiyaha Xisbiga Wadjir ayaa imaanaya iyadoo guddigii xaqiijinta Raysal wasaare Rooble magacaabay aay ku dhawaaqeen 34 xubnood oo ka mid ahaa guddiyada doorashada dalka in lagu helay eedeymahii loo soo jeediyay ee ahaa iney ka tirsan yihiin Shaqaalaha dowladda Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]