4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 6 , 2021
Guddiga xaqiijinta guddiyada doorashada oo shaaciyay xubnaha lagu helay cabashadii laga soo gudbiyay
 

Axad, Juun, 6, 2021 (HOL) - Guddigii uu Raysal wasaaraha Soomaliya dhawaan u xilsaaray soo xaqiijinta xubnaha guddiyada doorashooyinka dalka ee tabashada laga soo gudbiyay ayaa ku dhawaaqay in 34 xubnood laga saaray liiska guddiyada doorashoyinka heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed.

Guddiga xaqiijinta ayaa shaaciyay in 34 qof oo ka mid ah xubnaha guddiyada doorashooyinka aay ku heleen cadeymo la xariira eedeymaha loo soo jeediyay oo aheyd iney ka mid yihiin shaqaalaha dowladda iyo xubno ka tirsan Hay'adda NISA.

Waxay intaasi ku dareen in xubnaha aay cadeymaha ku heleen baaritaan dheer kadib aay u kula direen maamul goboleedyadii soo kala magacaabay iyo waliba xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya.

Dhawaan ayay aheyd markii Golaha Midowga Musharaxiinta aay Xafiiska Raysal wasaare Rooble u gudbiyeen 67 xubnood oo ka mid ahaa guddiyada doorashooyinka oo aay cabshada ka qabeen, waxaana ugu dambeyn xubnahii aay tabashada ka qabeen ee 67 ahaa lagu helay tabashadoodi 34 xunnood oo ka mid ah 67-dii xubnood ee cabashada ka gudbiyeen.

Ugu dambeyntii guddiga xaqiijinta ayaa sidoo kale sheegay in muddo 48 saacadood gudahood ah lagu soo magacaabo xubnaha 34-ta qofood ah ee liiska laga saaray xubnahii badali lahaa.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]