4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 5 , 2021
Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Muqdisho
                  

Sabti, Juun, 5, 2021 (HOL) - Qaraxan oo ahaa mid xoogan ayaa jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, kaaso ka dhacay meel aad u mashquul badan oo aay ku yaalaan Boosteejo gadiidka laga raaco iyo waliba suuq lagu iibiyo Hilibka iyo Malaayga una dhaw isgoyska Ex-koontarool Afgooye.

Qaraxaa oo ahaa mid uu fuliyay ruux Ismiidaamiye ahaa oo soo xirtay Jaakad waxyaabaha qarxa aay ku rakiban yihiin kaasoo isku qarxiyay meel aad u mashquul badan oo aay buuxeen dad shacab ah oo qaarkood ku sugnaa Boosteejo laga raaco gaadiidka aada degmada Afgooye waxaana sidoo kale meesha ku yaalay suuq weyn oo lagu iibiyo Hilibka iyo Malaayga.

Laba qof oo shacab ah ayaa inta la xaqiijiyay ku geeriyootay qaraxa ismiidaaminta ahaa waxaana sidoo kale ku dhaawacmay ilaa sideed qof oo dhamaantood shacab ahaa, waxaana la sheegay in dadka waxyeelada ugu badan aay soo gaartay aay saarnayeen gaari Hoomey ah oo boosteejada ka qaadi rabay.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay kuwaas oo baaritaano ka wada halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana sidoo kale isla goobta lagu arkayaa gaadiidka Ambalaasta oo halkaasi ka sameynaya gurmadyo la xariira qaadista dadkii ku waxyeeloobay qaraxa ismiidaaminta ahaa.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]